HomeAll newsDaadad Xoogan oo Ku Dhuftay Qeybo kamid ah Dalka Liibiya.

Daadad Xoogan oo Ku Dhuftay Qeybo kamid ah Dalka Liibiya.

Waxaa deegaanno katirsan wadanka Liibiya ka taagan xaalad cakiran, iyadoo daadad xoogan oo ka dhashey roobab ka da’aya wadanka ay ku dhufteen deegaannada qaar.

Xukuumadaha is diidan ee labada ah, kana jira dalka Liibiya, ayaa warar ay soo saareen waxay ku sheegeen in xaalad deg-deg ah uu dalka galay, islamarkaana ay socdaan isku dayo ballaaran oo lagu dooanyo in loogu gurmado dadka daadadku saameeyeen.

Deegaannada Al-Cawiinaat, Tahaala, Al-Barkat iyo Ghaat, oo dhaca galbeedka magaalada Dharaabulis ee caasimadda Liibiya ayaa kamid ah goobaha ay daadadku saameeyeen.

Daadadkan ayaa waxaa dhaliyay roobab xoogan oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay wadanka Liibiya, waxaana dalka Liibiya uu kamid yahay dalalka ay sida daran u saameeyeen daadadka.

10kii September sanadkii tagay ee 2023-da, ayaa daadad xoogan waxay ku dhufteen bariga wadanka Liibiya, magaalada Darna ayaana ahayd goobaha ugu saameynta badan kadib markii ay burbureen biyo xireennadii magaalada, waxaana daadadkaas ku dhintay ugu yaraan 4000 oo ruux.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular