Ma ayasan dareemin Mareykanka iyo Reer Galbeedka muddo Sanado ah, halis kaga imaankarta dhanka tijoolajiyada iyo elagtaroonigga ah, maadaama ay shirkadahooda ka shaqeeya booskan heysteen dhamaan suuqyada Caalamka, laakiin markii uu Shiinuhu qaringan 21-aad si dardar ah kusoo galay suuqan, waxay arrintaasi qalqal weyn ku dhalisay Mareykanka iyo Reer Galbeedka, iyadoo khubarada amniga qaranka Mareykanka iyo mas,uuliyiin Ameerikaan ah baleen, iney ka hadlaan sare ukacan xawliga ah ee uu sameynayo Shiinaha, iyo saameynta uu ku yeeshay suuqyada Dunida, marka laga hadlayo majaalkan.
Hadaba warbixinteenna maanta waxaan kaga hadlidoonna, qabsashada shiinaha ee dhinaca tignoolajiyadda iyo elegtaroonigga meyey tahay wax iska dhacay?, maxay yihiin fursaha dhaqaale ee ay heshay oo usuurageliyay iney la wareegto suuqan, iyo sida ay kaga guuleysankarto Mareykanka marka laga hadlayo majaalkan iyadoo aan adeegsan wax hub ah.
Falanqeyn uu sameeyay wargeyska The National Interest ee kasoo baxay wadanka Mareykanka, ayaa looga hadlay arrimahan, wuxuuna wargeysku wareystay Biriyaanji oo Sanadihii 2018 illaa 2021 ahaa agaasime sare oo katirsanaa amniga qaranka Mareykanka, lana soo shaqeeyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump iyo kan hadda jooga ee Joe Biden.
Wuxuu sheegay in kororka Shiinuhu uu ka sameynayo dhanka shirkadaha soo saara elegtaroonigga aysan ahayn oo kaliya mid xilligan halis dhaqaale oo dhanka elegtaroonigga ku ah Mareykanka, hase ahaatee ee ay keenikaro khataro ka waa weyn oo soo foodsaraa amniga Qaranka Mareykanka.