Warbixin dheer oo ciwaan looga dhigay “ Al-Shabaab ayaa kobac ka sameynaya Soomaaliya” ayaa uu qoray mowqic lagu magacaabo The Hindu, kaasoo tilmaamay in burburka Dowladda uu kobac iyo horumar u yahay Xarakada Al-Shabaab.
Warbixinta ayaa ugu horeyn soo hadal qaaday weerarkii nafhurnimada ahaa ee 02-dii Ogosto ka dhacay hotelka Beach Veiw ee xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaaso ogeystay khasaare ba’an oo gaaray xubno iyo masuuliyiin katirsan Dowladda Federaalka.
“Qof walxaha qarxa wata ayaa isku qarxiyay goobta, kadibna waxaa soo galay dagaalyahanno hubeysan, kuwaasoo toogasho ugu dhaqaaqay dadkii ku sugnaa goobta, ugu yaraan 37 ruux ayaa ku dhimatay, 210 qofna way ku dhaawacmeen, masuuliyadda weerarkana waxaa sheegtay Xarakada Al-Shabaab oo hoostaga Al-Qaacida, taasoo 17 sano wada dagaal ka dhan ah Dowladda Federaalka” ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay mowqica The Hindu.
Sida warbixintu tilmaameyso, weerarkan oo keliya maahan weerarada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fulineyso si guud geeska Afrika, gar ahaan Soomaaliya, waxaana bishii Marso ee sanadkan ay Xarakaxa Al-Shabaab sidoo kale Muqdisho ka fulisay weerar lagu dilay 27 ruux, oo 3 kamid ah ahaayeen shaqaalaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka, Kenya ayaana kamid ah dalalka ay ka howlgasho Xarakada Al-Shabaab.
Warbixintu waxay markan dib u milicsaneysaa taariikhda Soomaaliya, iyadoo tilmaameysa in dalkan ay soo mareen gumeystayaal ay kamid yihiin Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska, wixii ka dambeeyay 1960-kiina waxaa la dhisay Soomaaliyada casriga ah, oo noqotay dal dimuqraadi ah, sida mowqica The Hindu sheegayo.
Maxmed Siyaad Barre, hogaamiyihii shuuciga ah ayaa talada Soomaaliya afgemgbi kula wareegay sanadkii 1969-kii, 1977-diina wuxuu galay dagaalkii cuslaa ee ka dhanka ahaa dowladda Itoobiya, kaasoo kusoo dhamaaday jab soo gaaray ciidankii Soomaalida.
Markiiba waxaa Maxa’ed Siyaad Barre ku billowday dagaallo ay hurinayaan jabhado xulafo la ahaa dowladda Itoobiya, taasoo keentay in awooddiisa ay is dhinto, dalkana wuxuu lugaha la galay dagaallo sokeeye oo ay ku dhinteen 300 oo kun oo qof, sida uu sheegayo mowqica The Hindu.
1993-dii waxaa dalka Soomaaliya soo galay ciidamo ka socda Qaramada Midoobay iyo Maraykanka, bishii October ee isla sanadkaas waxay isku dayeen iney gacanta ku dhigaan saraakiil hogaamineysay kooxaha dagaalka kula jiray Maraykanka, laakiin wuxuu howlgalkaas kusoo dhamaaday in dhulka lasoo dhigo diyaarad helicopter ah, kuna dhintaan 18 askari oo Ameerikaan ah, halka ciidamada Maraykanku dileen ugu yaraan 300 oo ruux oo shacab ah, sida warbixintu tilmaameyso.
Laga soo billaabo 2004-tii, waxaa billowday isku dayo lagu doonayo in Muqdisho looga hirgleiyo dowlad, illaa 14 isku day ayaana la sameeyay, welina kama soo bixin dowlad awood leh, inkastoo baarlamaanka Dowladda Federaalka uu sanadkii 2012-ka u doortay Xasan Sheekh Maxmuud inuu noqdo madaxweynaha Dowladda Federaalka, ayay leedahay warbixinta uu daabacay mowqica The Hindu.
“ Dhanka kale Xarakada Al-Shabaab, oo ah jamaaco hubeysan oo salafiyo ah, ayaa billowday iney ku xidideysato Soomaaliya, iyadoo sanadkii 2006-da la wareegtay Muqdisho, kooxdan ayaa asal ahaan katirsaneyd Al-itixaad Al-Islaami ah oo ahayd jamaaco ka hana qaaday Soomaaliya burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre, waana jamaaco saraakiisheedu kusoo tababortean galbeedka qaaradda Aasiya, iyadoo taageero ka heleyso ururweynaha Al-Qaacida” ayay leedahay warbixinta uu daabacay mowqica The Hindu.
Sida ay sheegeyso warbixintii, dhalinyaradii Jihaadiyiinta ahaa ayaa noqday garabka milliteri ee Maxkamadihii Islaamiga, tirada xubnaha Al-Shabaab ayaana sii kordhaya si gaar ah waqtigii Muqdisho qeybo kamid ah ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya iyo dowladdii kumeel gaarka, sababta ayaana ahayd in dad badan oo Soomaali ah u arkayeen in dalkooda lagu soo duuley.
“ Goor dambe, waxay Xarakada Al-Shabaab noqotay awood caalami ah, oo saameynteeda ku leh wadamada gobolka, iyadoo weeraro qaraxyo oo khasaare dhaliyay ka geysatay dalalka Kenya, Uganda iyo Itoobiya” ayay leedahay warbixinta The Hindu uu daabacay.
Sida warbixinta ay tilmaameyso, Xarakada Al-Shabaab oo ka baxday magaalooyinka waaweyn ee Muqdisho, Kismaayo iyo Baraawe, ayaa dib u saldhigatay deegaanno iyo magaalooyin dhaca koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ka hirgelisay maamul iyo nidaam saameyn ku leh dalka.
Inkastoo howlgalka midowga Afrika iyo Dowladda Federaalkuba ay guulo ka sheeganayaan dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab, hadana mowqica The Hindu ee qoray warbixintan ciwaanka looga dhigay “ Kobaca Al-Shabaab ee Soomaaliya” waxay tilmaameysaa in Al-Shabaab ay si xiriir ah u fuliso weeraro khasaare badan dhaliya, iyadoo sheegtay in intii u dhexeysay 2010-ka illaa 2020-ka ay dalka ka fulisay weeraro dhaliyay dhimashada kumanaan ruux.
Warbaahinta gobolka, kuwa caalamka, xarumaha dirasaatka amniga iyo khubarada ka faallooda arimaha waxa loogu yeero argagaxisada, ayaa dhamaantooda isku raacsan in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii xoogeysaneyso marba marka ka dambeysa, waxaana labadii sano ee lasoo dhaafay Xarakada Al-Shabaab ay ka hortagtay isku dayo ay wadeen Maraykanka, midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka oo lagu doonayay in lagu wiiqo awoodeeda.
Halkan ka dhagayso Warbixin- Kobaca Al-Shabaab ee Soomaaliya- The Hindu