Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxmuud, ayaa jeediyay kalimad uu kaga hadlay qodobo dhowr ah oo la xiriira xaaladda dalka Soomaaliya iyo dhibaatooyinka heysta maamulkiisa.
Xasan Sheekh Maxmuud, ayaa wuxuu soo hadal qaaday wadahadalladii fashilmey ee dhawaan ka dhacay dalka Turkiga, oo ay yeesheen Dowladda Federaalka iyo Itoobiya.
Wuxuu sheegay, in Dowladda Itoobiya aaney aqoonsaneyn madax-banaanida Soomaaliya, laguna kari waayay iney saxiixdo qodobka cadeynaya in Soomaaliya uu yahay dal madax banaan.
Wuxuu intaa ku daray madaxweynaha Dowladda Federaalka, in Itoobiya ay dooneyso iney qaadato dhul horleh oo kamid ah Soomaaliya, iyadoo horey u heystay dhul Soomaaliyeed.
Dhinac kale, madaxweynaha Dowladda Federaalka wuxuu soo hadal qaaday cabashada ganacsatada Soomaaliyeed iyo bajaajleyda, wuxuuna ku amray iney bixiyaan lacagaha laga doonayo, isagoo kaga digay iney abaabulaan banaanbaxyo ka dhan ah Dowladda Federaalka.
Xasan Sheekh Maxmuud, ayaa horey u sheegayay in Itoobiya ay yihiin dal ay walaalo yihiin, isagoona dhulka Soomaali-galbeed ee ay xooga ku qaateen u aqoonsaday dhul Itoobiya leedahay.
Halkan ka dhagayso warka kasoo yeeray Xasan Sheekh Maxmuud; madaxweynaha DF.