Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay fuliyeen askar katirsan kooxda mucaaradka Oromada ee loo yaqaanno OLA, kaas oo ka dhacay Kaniisad ku taalla dalka Itoobiya.
Weerarka ayaa wax uu si gaar ah kaga dhacay degaan katirsan gobalka Oromiya ee dalka Itoobiya, waxaana lagu dilay Baadari Nasraani ah iyo xubno kale.
Ugu yaraan 6 ruux oo uu ku jiro baadariga ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay, weerarkaan ay fulisay jabhadda mucaaradka Oromada ee OLA.
Weerarka ayaa si gaar ah ubeegsaday, Kaniisad ku taalla degmada Aseko ee gobolka Arsi oo katirsan ismaaamulka Ooromiya.
Baadariga lagu dilay weerarka ayaa waxa uu ahaa ninkii heystay Kaniisadda la weeraray, iyadoona lasoo warinayo in qeybo kamid ah degmada uu weerarku ka dhacay ay maamusho kooxda mucaaradka ee OLA, halka qeybaha kalena ay joogaan ciidanka Xabashida Itoobiya.
Kooxda OLA ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay kordhisay, weerarada ay ka geysaneyso gobalka Oromiya ee dalka Itoobiya, kuwaas oo ay ku beegsaneyso Kaniisadaha ku yaalla gobalkaas.
Halkan ka dhagayso dilalka ka dhacay Itoobiya.