Muwaadiniin udashay dalalka Soomaaliya iyo Itooobiya, ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay magaalooyinka 𝗖𝗔𝗣𝗘 𝗧𝗢𝗪𝗡 iyo Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika.
Dilalkan ka dhacay South Africa ayaa waxaa ka dambeeyay, kooxo hubeysan oo burcad ah, kuwaasoo rasaas oodda kaga qaaday ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka kale ee udhashay wadanka Itoobiya oo uu ganacsiga ka dhaxeeyay.
Dilka dhacay 𝗖𝗔𝗣𝗘 𝗧𝗢𝗪𝗡 xilliga uu dhacay waa habeen hore, halka midka dhacay Johannesburg uu yahay saacadihii lasoo dhaafay.
Ganacsade CabdulQaadir Axmed Beyle, oo kamid ahaa Soomaalida ku ganacsada Koonfur Afrika, ayaa koox burcad ah oo doonayay iney hantidiisa dhacaan waxay ku dileen magaalada caasimadda ah ee Cape Town.
Halkan ka dhagayso tafaasiil ku saabsan warkan.