Maamulka la baxay Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmad Madoobe, ayaa kasoo horjeestay cashuur ay DF dooneyso iney maanta oo ah 18 08 2024 dhaqangeliso islamarkaana ka qaaddo, dhamaan dalka sida ay hadalka udhigtay.
Warqad shalay kasoo baxday xafiska wasiirka wasaaradda maaliyadda ee maamulka la baxay Jubbaland, ayaa lagu qaaddacay cashuurtan, ayagoo sheegay ineysan quseyn maamulkooda, waxayna ku adkeysteen ineysan ka dhaqangeleynin degaannada ay joogaan.
Ma ahan turid ay usameeyeen dadka la nool sida hadalkooda laga dheehankaro, laakiin waxay ku cilleeyeen kaliya warka DF, inaan lagala tashan cashuurtan.
Waxay ka hor imaansha DF ucuskadeen qodobada 122-aad 106-aad ee ku yaalla dastuurta ay DF ku dhaqanto oo ay dejiyeen shisheeyaha dalka kusoo duulay, DF ayeyna ucadeeyeen inaaney la qabin cashuurta ay soo rogtay.
Dowladda Federaalka ayaa dooneysa iney maanta si qasab ah ku dhaqangeliso cashuurtan, iyadoo maalintii shalay ganacsatada muqdisho goobahooda ugu geysay waraaqo ay soo xar xariiqday oo ay uga hadleyso cashuurtan, maanta ayaan la filayaa in shacabka reer Muqdisho siweyn uga horyimaadaan arrintan.
Halkan ka dhagayso warka kasoo yeeray maamulka Jubbaland.