Gaashaanle dhexe Cali Abshir, oo kamid ah saraakiisha ciidamada maamulka labaxay Jubbaland, ayaa sheegay inaaney marnaba ogolaan doonin in ciidamo ka socda Masar la keeno deegaannada uu ka taliyo maamulka labaxay Jubbaland.
Wuxuu sheegay Cali Abshir, in Masar ay tahay cidii dumisay dowladdii uu hogaaminayay Cabdi Qaasim Salaad, dowladanimana aaney la dooneynin Soomaaliya.
Wuxuu tilmaamay in dhankooda marnaba aaney ogolaan doonin in ciidamo Masaari ah la keeno deegaannada maamulka Jubbaland ka arimiyo, gar ahaan gobolka Gedo, ujeedka Masar ay leedahayna uu yahay iney Soomalaiya ka dhigto furin dagaal oo ay kula loolanto Itoobiyaanka, sida uu warka u dhigay.
Maamullada Jubbaland iyo Koonfur galbeed, ayaa cilaaqaad dhow oo ka xoogan kan maamulllada kale, waxay la leeyihiin dowladda Xabashida Itoobiya, marka ay xaaladdu taagantahay Villa Somalia iyo Adis Ababa-na, waxay xigaan dhanka Abey Axmed.
Halkan ka dhagayso warka kasoo baxay taliye katirsan ciidamada maamulka Jubbaland.