Wakaaladda wararka ee Faransiiska, ayaa kasoo xigatay ilo wareedyo katirsan dowlaadda Jarmalka, in dowladdu qorsheyneyso iney dhinto taakulada milliteri ee ay siiso dowladda Ukraine.
Miizaaniyadda sanadka 2025-ka, ayaa la go’aamiyay in taakulada milliteri ee Ukraine la siiyo la dhimo, lana siiyo kala bar intii horey loo siin jiray, taasoo ah hoos u dhigid aad u ballaaran.
Ilo wareedyada ay soo xiganeyso wakaaladda wararka ee Faransiiska, ayaa sidoo kale tilmaamay in xukuumadda Jarmalka aaney dooneynin in sanadkan ay wax kordhin ah ku sameyso taakulada milliteri ee Ukraine la siinayo, inta ugu badanna ay ictimaadi doonto lacagaha Ruushka uga xaniban dalka Jarmalka.
Reer galbeedka ayaa qaati ka taagan taakulada milliteri ee ay siinayana Ukraine, oo dagaal daba dheeraaday kula jirta ciidamada Ruushka ee dalkeeda duullaanka kusoo galay.