Amiirka Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan Mowlawi Hibatullaah, ayaa jeediyay kalimad dhinacyo badan uu taabaneysa, taasoo markale uu ku adkeeyey in Shareecada Islaamka ku dhaqankeedu ay lama taabtaan tahay, gorgortanna aaney ka galeynin.
Wuxuu sheegay, in si lamid ah sida ay imtixaankii dhibaatada ugu soo guuleysteen, ay Allaah ka rajeynayaan inuu ugu guuleeyo imtixaanka guusha ee ay hadda wajahayaan.
Muslimiinta caalamka ayuu ka codsaday iney usoo duceeyaan, isaguna wuxuu Alle ka baryay in dhibaatada uu ka dulqaado muslimiinta Filastiin.