HomeAll newsNusratul Islaam wal Muslimiin oo Weerar Xoogan ka fulisay dalka Maali.

Nusratul Islaam wal Muslimiin oo Weerar Xoogan ka fulisay dalka Maali.

Wararka ka imaanaya dalka Maali, ayaa ku waramaya in ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin, ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen askar katirsan xukuumadda Maali.

Weerarka ayaa dhacay subaxnimadii maalintii shalay oo Axad ahayd, waxaana lagu qaadaa fariismiyaal magaalada Malqaa ee gobolka Kaayis ee Maali ay kaga sugnaayeen ciidanka milliteriga Maali.

War kasoo baxay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqa, waxaa lagu sheegay in weerarka uu dhaliyay dhimashada 4 askari oo katirsan ciidanka Maali, halka Nusratul Islaam wal Muslimiin dagaalkaas looga dilay hal askari.

Weerarka waxay ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin kusoo qabsadeen saanado milliteri oo farabadan, kuwaasoo ay kamid yihiin 5 gaari oo noocyda milliteriga ah, labo qori oo dhashiike ah, 4 Bkm, 2 RBG, 8 Qori AK-47 ah, 2 bastoolad, 12 sanduuq oo rasaas ah, iyo saanado kaloo aad u badan.

Weerarka Nusratul Islaam wal Muslimiin ee dalka Maali, ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan weerar khasaare ba’an dhaliyay ay ka fulisay dalka Burkina Faso, kaasoo ay ku beegstay ciidamada wadankaas.

Weerarka oo ahaa mid kamiin ah, ayaa geystay khasaare baaxad leh, oo waxaa lagu dilay 140 askari oo katirsan milliteriga Maali, halka lagu gubay inkabadan 100 gaari, iyadoo lagu soo furtay tobanaan kamid ah gawaarida dagaalka.

Nusratul Islaam wal Muslimiin, ayaa sameyneysa kobac ballaaran oo dhanka awoodda ah, waxaana ay ka howlgashaa dhowr wadan oo dhaca galbeedka Afrika, oo ay kamid yihiin dalalka Maali, Niger iyo Burkina Faso.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular