Dowladda Uganda ayaa dib u celisay ciidamo kasoo cararay dalka Koongada Dimuqraadiga, halkaas oo uu ka socdo dagaallo culus oo dhexmaraya kooxda M-23 iyo ciidanka dalkaas.
Ciidamadan oo tiradoodu gaareyso ugu yaraan 100 ruux oo isuga jira askar iyo saraakiil, ayaa ku sugnaa waayadii lasoo dhaafay mandiqad lagu magacaabo Kaanongo oo dhacda koonfur galbeed dalka Uganda.
Afhayeen u hadlay ciidamada milliteriga dalka Uganda, ayaa sheegay in horaan ay ciidamadan usoo dhaweeyeen sababo banii aadamnimo, maadaama ay colaad kasoo qaxeen, hadana iyaga iyo hubkoodaba ay ku wareejiyeen dalka Koongada Dimuqraadiga.
Koongada Dimuqraadiga ayaa waxaa ka socda dagaallo culus oo dhexmaraya koox hubeysan oo lagu magacaabo M-23, taasoo dhawaan dagaallo kula wareegtay deegaanno iyo magaalooyin dhaca bariga dalka.
Colaadahan dambe ayaa waxaa ku barakacay kudhawaad 2 malyan oo qof, taasoo sii kordhinesyo tirada guud ee qaxootiga dalka Koongada Dimuqraadiga, oo markan gaareysa 7 malyan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.