Wasaaradda arimaha gudaha ee dalka Koonfur Afrika, ayaa ku dhawaaqday in dalkeeda ay ka tarxiilisay ugu yaraan 95 ruux oo kasoo jeeda dalka Liibiya.
Wasaaradda ayaa sheegtay in dadkan Liibiya kasoo jeeda lagu qabtay xero u muuqatay goob tababar oo ku taalla Maboo-Malanga oo dhacda bariga Johanesburg.
Dowladda Liibiya ayaa diyaarad usoo dirtay raggan, waxaana laga dejiyay magaalada Triboli ee casimadda wadankaas.
Raggan ayaa dalka Koonfur Afrika kusoo galay viizooyin minxo ah oo ay dowladda Koonfur Afrika siisay Liibiya, si loogu tababaro ciidamo amni ah, laakiin waxaa lagu eedeeyay iney jebiyeen xeerarka soo galootinimada, sida warbaahintu tilmaamayaan.