Si aynu jawaab ugu helno su’aasha ciwaanka looga dhigay warbixinteyna maanta oo uu qoray Wabsite-ka Al-jaziira.net qeybtiisa looga hadlo arrimaha ku saabsan qaaradda Afrika, waxaa lama huraan ah inaan dib umilicsanno, doorashadii dhacday bishii November ee 2016 taasoo uu kusoo baxay Donald Trump madaxweynihii hore ee mareykanka.
Doorashadii 2016 ka dhacday Mareykanka, ayaa isbedel weyn ku keentay dowlado badan oo dhaca qaaradda Afrika, waxayna sii hurisay xasaradihii siyaasadeed ee markii hore ka dhexjiray, waana taas midda ay walaaca xooggan kaga muujinayaan soo laabashada Trump xukuumadaha ka jira Afrika, oo uu xilligan ku dhacay isbedel weyn, qaarkoodna ku dhaqaaqay iney baabi`iyaan saameynta qaaradda ee Reer Galbeedka iyo Mareykanka.
Hadaba warbixinteenna maanta waxay ka jawaabeysa weydiimo badan oo ku gedaaman, mowduuca la xiriirta walaaca ay dowladaha Afrika ka qabaan soo laabashada Trump, maxay kala kalmeen muddo xileedkiisii hore?, siyaasad noocee ah ayuu Trump kula dhaqmay xukuumadaha Afrika?, saameynta maku yeelankartaa dhaqaalo ahaan soo laabashada Donald Trump dowladaha afrika, maadama ay qaaradda ku tartamayaan siyaasado badan oo isdiidan.?
Dowladaha Afrika ka jira ayaa xilligii Trump waxay dareemeen inaanu mareykanku wax dan ah kala ahayn, wuxuuna Mareykanku kala dhaqmay habdhaqan-siyaasadeed ay la yaabeen, una dhaxeeya quursi iyo inuu mararka qaar tusiyo inaanu wax dan ah ka kalahayn, sida uu sheegayo Ronaaghoo Baldaas oo agaasime ka ah, Hay`ad lagu magacaabo Signal Risk.
Marka laga hadlayo xilheyntii Mareykanka ee Trump, waxay dad badani isku raaceen inuu ahaa qof cunsuri ah oo neceb dadka madawoga ah gaar ahaan kuwa udhashay Afrika, wuxuuna xilligiisa qaaradda Afrika ku tilmaamay hoyga wasakhda, iyadoo ay aad ukordheen falalka cunsuriyaddu ka muuqato ee loo haayo dadka madowga ah, marka laga warramayo gudaha Mareykanka. Waxaana la xusuusankaraa muuqaalkii laga soo duubay gudaha Mareykanka ee uu ka muuqday nin madow ah oo uu sarkaal Ameerikaan ah udilay si fool xun, isaga oo jilibka ka saaray dhuunta illaa ay naftu ka baxdo.
Dhanka kale tan iyo intii uu xilka madaxtinimada Mareykanka hayay Donald Trump, marna ma uusan imaan qaaradda Afrika, mana la kulmin madaxweynayaal Afrikaan ah, marka laga reebo 3 madaxweyne oo Afrikaan, kuwaasoo ugu tegay Aqalka Cad ee loog taliyo Mareykanka.
Waxaa sido kale la xusuustaa in uu Mareykanku Ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya xilli Trump, kuwaasoo uu markii uu xilliga yimid dib usoo celiyay Joe Biden, waxaana arrimahaasi oo dhan laga dheehankaraa halka ay kala taagnaayeen iyo kala fogaashaha u dhaxeeyay, marka laga hadlayo xiriirka dowladaha Afrika iyo Mareykanka.
Warbixin_Maxay_Dowladaha_Afrika_uga_walaacsanyihiin_Suurtogalnimada