Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ah madaxweynaha maamulka la baxay Galmudug ayaa markii ugu horreysay ka hadlay, hubkii dhawaan lagu furtay degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud.
Xilli uu ku sugnaa degaanka Ballanballe oo katirsan gobalka Galgaduud ayaa waxa uu sheegay, inuu bogaadinayo dagaalkii ay dadka degaanka la galeen ciidamada dowladda fedaraalka ee ay hubka kaga furteen.
Waxa uu tilmaamau in hubkaas uu ahaa mid ay soo daabuleen qolyo uu ugu yeeray qowleysato dambiilayaal ahaa oo doonayay iney ku ridaan maamulkiisa, kuna hubeeyaan qabaa’ilka dega gobalka.
Waxa uu xusay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid waliba oo hub lasoo gasha degaannada uu ka arrimiyo maamulkaas.
Dhawaan ayay aheyd markii hub laga keenay dalka Itoobiya ay maleeshiyo beeleed iyo dedka degaanka ay ku furteen degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud, iyadoo iska hor-imaad halkaasi ka dhacay lagu dilay 14 xubnood oo ubadnaa ciidanka sirdoonka ee dowladda fedaraalka.
Halkaan ka Dhageyso Hanjabaadda Qoorqoor