Dagaal-beeleedyo ay dad ku dhinteen oo wali xiisadoodu taagan tahay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Galgaduud, waxayna salka ku hayaan anoo qabiil iyo muran dhuleed.
Dagaalladiisi midkood wuxuu ka socdaa inta udhaxeysa Gadoon iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, wuxuuna salka ku hayaa muran dhuleed, iyadoo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac, mana jirto cid ku baxday.
Dagaalka beeleed kale ayaa isna ka socda aagga degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, waxaana lasoo warinayaa iney ku dhinteen ugu yaraan 2 ruux , halka ay ku dhaawacmeen 4 kale.
Dadka dhintay waxaa ku jira nin lagu magacaab Cali Axmad Carab oo maalmo kahor labo wiil oo la dhalatay lagu dilay, isla aagga dagaalku uu dhacay.