Ciidamo katirsan dowladda fedaraalka ayaa dhaawacay 2 dumar ah, kadib markii ay saacadihii lasoo dhaafay weerareen guri ku yaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir oo ay deganyihiin dad shacab ah.
Weerarkan ayaa la sheegay inuu yimid, kadib markii isku dhac uu dhexmaray wiil iyo gabdho wada degan degmada, waxaana ciidamada uyeertay gabadh kamid ah kuwii isku dhaca qeybta ka ahaa.
Ciidamada weerarka qaaday oo ilaalo u ahaa taliye ciidan oo katirsan dowladda fedaraalka, ayaa rasaaseeyay guriga, taas oo keentay khasaarahaan nafeed.
2 Haween ah oo kamid ah dadkii joogay guriga la weeraray ayaa ku dhaawacmay, kuwaasoo midood magaceeda lagu sheegay Sacdiyo Cali.
Halkaan ka Dhageyso Faahfaahinta Weerarka Askarta Dowladda Fedaraalka