HomeAll newsWarbixin: Xuquuqda Maxaabiista Ciraaq... Cabasho aan Dhamaad lahayn!

Warbixin: Xuquuqda Maxaabiista Ciraaq… Cabasho aan Dhamaad lahayn!

War saxaafadeed kasoo baxay qaar kamid ah ehellada maxaabiista ku xiran xabsiydaa dalka Ciraaq, ayaa toosha ku ifiyay xaaladda qaraar ee ka jirta xabsiyada xukuumadda Rawaafidda, halkaas oo lagu jirdilo maxaabiista, kuna heysato nolol aad u xun.

Dhibaatada ay geysaneyso xukuumadda Rawaafidda kuma eko oo keliya maxaabiista ku xiran xabsiyada xukuumadda Rawaafidda, balse wuxuu usii gudbay ehellada maxaabiista, si gaar ah waqtiyada ay soo booqanayaan ehelladooda ku xiran xabsiyada.

War saxaafadeedka kasoo baxay ehellada maxaabiista dalka Ciraaq, ayaa waxaa faafiyay xarunta Afaad ee qaabilsan arima xuquuqda maxaabiista, waxaana ehellada soo saaray war saxaafadeedka ay si gaar ah uga hadleen dhibaatada ka jirta xabsiga Al-Xuut ee magaalada An-Naasiriyah ee koonfurta Ciraaq, halkaas oo ay sheegeen in maxaabiis gaareysa 13 kun oo ruux ay ku heysato xaalad liidata oo xaga nolosha ah iyo macaamil aad u xun.

Wuxuu bayaankan dib u xusuusiyay dadka ku nool Ciraaq, taqaariir hore ay usoo saareen hay’adaha ka hadla arimaha banii Aadamnimada, sida Human Rights Watch iyo Amnesty International, oo ka deyriyay waaqica ka jira xabsiyada dalka Ciraaq ee ay maamusho xukuumadda Rawaafidda Ciraaq.

Marka laga hadlayo dhibaatooyinka heysta maxaabiista, ee lagu sheegay bayaanka cusub ee ay soo saareen ehellada maxaabiista, waxaa kamid ah inaaney heysanin daryeel caafimaad, iyadoo maxaabiista aan loo ogoleyn iney helaan cadceeda qoraxda 15 daqiiqo oo maalin kasta ah mooye.

Waxaa intaa xeer in xabsiyadu uu ka jiro ciriiri aad u xoogan, taasoo ka dhalatay in maxaabiis ka badan inta uu qaadi karo xabsiga lagu xiro, mana jirto isku dayo lagu doonayo in lagu ballaariyo xabsiyada, ama maxaabiista lagu kala yareeyo.

Ugu yaraan 8 maxbuus ayaa ku xiran qol yar oo dhirirkiisu yahay 3 metter, halka balliciisana yahay 2 meter, taasina waxaa ka dhalaneysa cuduro kala duwan oo u badan kuwa maqaarka, iyadoo dhanka kale ay ciriir tahay neefsashada.

Waxaa intaa dheer sida lagu sheegay bayaankan looga hadlay tacadiyaadka iyo gabood fallada heysata maxaabiista ku xiran xabsiyada Rawaafidda Ciraaq, in maxaabiistu la kulmayaan tacadiyaad joogto ah, iyadoo lagu garaacayo biro adag, lagu candhuufayo, sidoo kalena la aflagaadeynayo.

Maxaabiista qaba cudurada halista ah ayaan heleynin dawooyinka ay muhiimka u yihiin, haddii ehelladu isku dayaan iney dawooyin gaarsiiyaan maxaabiistana, waxaa kaga xiran iney bixiyaan lacago tirobadan oo la siinayo saraakiisha iyo madaxda xabsiga.

Dawooyinka marka laga yimaado, waxaa xitaa la isku laaluusha cuntooyinka iyo dharka maxaabiista ehelladoodu u geeyaan, waxaana si maxaabiista loogu geeyo cuntada iyo dharka ay u baahannyihiin lagu qasbanyahay in lacago laaluush ah la siiyo ilalaada xabsiga.

Sida bayaanka lagu sheegay, waxaan xabsiyada ka jirin wax nashaadaad iyo firfircoonni ah oo la siiyo maxaabiista, haddii ay ahaan lahaayeen jimicsi ama waxbarasho, taasina waxay sii adkeyneysaa dhibaatada nololeed ee maxaabiista.

Intaa waxaa sii dheer in ehellada maxaabiista booqaneysa ay dhibaato adag ka maraan la kulanka ehelladooda, si gaar ah haweenka, ayaa la kulma baaritaan ka dhan ah sharaftooda iyo karaamadooda, saacado dheer ayayna ku qaadata ehelladu iney taagnaadaan qoraxda, si ay fursad ugu helaan la kulanka maxaabiista ehelladooda ah.

Cabashadan ayaa lamid ah mid taagnaan jirtay sanado kahor, waxaana tani ay ku qasabtay ehellada qaarkood in maalin kahor la kulanka maxaabiista ay yimaadaan xabsiga, boosna qabsadaan, lacagana bixiyaan, ehellada qaar ayaana boqollaal kiilmoter soo jara si ay u gaaraan halka uu ku yaalo xabsiga ay ku xiranyihiin dadkooda.

Gebegebada bayaanka kasoo baxay ehellada maxaabiista ku xiran xabsiyada xukuumadda Rawaafidda Ciraaq, ayaa lagu sheegay in waayadii u dambeysay ay aad usii kordhayeen xukunnada dilalka toogashada ah ee lagu ridayo maxaabiista, taasoo sida muuqata looga sii hormarayo xeer aan weli soo bixin oo uu ka doodayo baarlamaanka xukuumadda Rawaafidda Ciraaq, ee la xirira cafiska maxaabiista iyo in dib u eegis lagu sameeyo arimaha ay u xiranyihiin.

Badi maxaabiista ku xiran xabsiyada Ciraaq, ayaa kasoo jeeda muslimiinta Ahlu Sunnaha, waxaana loo jeediyay eedo waxba kama jiraan ah, oo loo cuskaday farmuuq ay sameeyeen xubno katirsan sirdoonka Rawaafidda, oo u uku jiro naceyb gaamuray oo ay u hayaan muslimiinta Ahlu Sunnaha.

Umu Cali Ad-Deylami, waa hooyo Ciraaqiyad ah oo uu wiilkeeda ku xiranyahay xabsiyada xukuumadda Rawaafidda Ciraaq, waxay sheegeysaa in dhamaan eedaha lagu xusay bayaanka kasoo baxay ehellada ay yihiin kuwa xaqiiqo ah oo ka tarjumaya xaaladda qaraar ee ay caruurtooda ku suganyihiin.

Waxay sheegtay in wiilkeeda uu sanado u xiranyahay xukuumadda Rawaafidda Ciraaq, uuna qabo xanuunka dhanka sambabada ah, kaasoo ku yimid ciriiriga ka jira xabsiyada iyo nafaqo darri heysta maxaabiista.

Dhinac kale, xukuumadda Rawaafidda Ciraaq waxay gebi ahaanba diiday eeda iyo cabashada ay soo jeediyeen ehellada maxaabiista, waxaaana wasaraadda cadaaladda ee nidaamka Rawaafidda Ciraaq ay sheegtay iney waxba kama jiraan yihiin cabashooyinka, marka laga reebo in xabsiyada ay buux dhaafiyeen, sidaba uu horey u sheegay wasiirka wasaaraddan oo tilmaamay in ciriiriga ka jira xabsiyada lagu qiimeeyey koror dhan 300%. ( Saddex boqol boqolkiiba).

Afhayeen u hadlay wasaaradda lagu sheegay cadaaladda ee xukuumadda Rawaafidda Ciraaq, ayaa tilmaamay iney ku howlanyihiin dhismaha xabsiyo cusub, iyo dib u dayactirka xabsiyada horey u dhisnaa, si loo xalliyo mushkiladda ciriiriga, sida uu warka u dhigay.

Marka laga hadlayo tacdiibka loo geysanayo maxaabiista, wuxuu masuulkan u hadlay wasaaradda Cadaaladda Rawaafidda sheegay in taasi aaney shaqadoodu ahayn, ayna habontahay iney ka jawaabaan wasaaradaha kale ee arimaha su’aal weydiinta maxaabiista ka shaqeeya.

Ugu yaraan 64 kun oo maxbuus ayaa ku xiran xabsiyada dalka Ciraaq, sida ay qireyso xukuumadda Rawaafidda Ciraaq, waxaana markazka Cadalaadda ee Jineefa sheegay in iyagu marqaati ka yihiin in dhibaatada ay ehellada maxaabiista ka cabanayaan ay yihiin kuwa jira oo xaqiiqo ah.

Naaji Xaraj oo xubin ka ah markazkan ayaa tilmaamay, in maxaabiistu la kulmaan xadgudubyo kala duwan, oo ay kamid tahay hab dhaqan liita oo aad u xun, loona diido dawada iyo cuntooyinka, iyo iney ehelladu soo booqdaan maxaabiista, halka xabsiyadu ay ku dhex faafayaan cuduro kala duwan.

Xukuumadda Rawaafidda Ciraaq, ayaa ku guul dareysatay iney fuliso ballamo ay horey u qaaday oo la xiriira iney wax ka bedeli doonto waaqica xabsiyada, dhamaan hay’adaha sheegta iney u doodaan arimaha xuquuqda Aadanaha ayaana ka marqaati kacaya dhibaatada ka jirta xabsiyada xukuumadda Rawaafidda Ciraaq.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular