Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa ku waramaya, in xabsi ku yaala halkaas ay ka baxsadeen tiro maxaabiis ah.
Taliyaha booliiska magaalada Nairobi ayaa warbaahinta u sheegay in xabsiga ay ka baxsadeen 13 maxbuus, oo uu ku jiro maxbuus lagu magacaabo Collins Jumaisi, oo ku eedeysan inuu dilay 43 haween ah.
Maxaabiista baxsatay ayaa illaa iyo hadda waxaan cadeyn halka ay aadeen, iyo sida ay ugu suurogashey iney xabsiga ka baxsadaan, maadaama xabsiyada Kenya ay leeyihiin ilaalo adag.
Waxaa socda baaritaanno lagu raadinayo maxaabiista fakatay, sida muuqatana waxaa baxsashadooda ka dambeeya ciidamada ilaalada xabsiyada, maadaama dowladda Kenya iyo ciidankeedaba ay ku caan yihiin qaadashada laaluushka.