Dab xooggan oo geystay khasaare hantiyeed ayaa markale saacadihii lasoo dhaafay ka kacay magaalada Muqdiso.
Dabka ayaa waxa uu habeen hore ka kacay halka loo yaqaanno Haanta-dheer ee ku taalla degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.
Illaa 10 guri oo la deganaa iyo xarumo ganacsi ayuu dabku basbeeliyay, iyadoo uu dabku geystay khasaare hantiyeed, waxaana lasoo warinayaa in uu koronto ka dhashay.
Qaar kamid ah milkiilayaasha guryaha gubtay iyo dadka degaanka oo saxaafadda la hadlay ayaa ka warbixiyay sida ay wax udhaceen, iyagoo xusay in qolyaha dabdamiska oo soo daahay ay sababtay in uu dabku baaho.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalooyin kamid ah goballada dalka ka kacayay dab qaarkood sababay khasaare nafeed.