Shacabka Ku nool magaalada Boosaaso, ayaa codsaday in dib loo soo celiyo isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga.
Waxay shacabku ka cabteen isticmaalka lacagta doollarka ee hawada, oo ay sheegeen iney dhibaato xoogan ku qabaan.
Badal Maxmud, waxa uu kamid yahay dadka xoogstada ah ee ka shaqeysta magaalada Boosaaso, wuxuu sheegay in markii hore ee lagu macaamilayay lacagta shilinka Soomaaliga ay xaaladooda wanaagsaneyd, laakiin iminka ay ku dhib qabaan lacagaha la isugu diro teleefaannada.
Sidoo kale Carab Axmed Gaarane, wuxuu isaguna soo hadal qaadaya dhibaatooyinka ka jira isticmaalka lacagta teleefannada la isugu diro, oo uu sheegay in marka qaar aadan heleynin xuquuqdaada xilli aad u baahneyd, iyadoo qofka aad lacagta ka rabtay ku andacoonayo in adeega teleefanka aanu shaqeynin.
Ganacasade lagu magacaabo Cabdil Fataax Xaaji Gooye, ayaa isana tilmaamay in bulshada ay isku dhex nooleyd, laakiin hadda ay wax badani meesha ka baxeen, sida sadaqadii dadka dhibaateysan la siin jiray, iyo caruurtii lacagaha la siinayay marka ay dugisyada aadayaan, arimahaasna ugu wacantahay shilin Soomaaliga oo meesha ka baxay.
Halkaan ka Dhageyso Warbixinta Qodobkaan