Dowladda Ruushka, ayaa ku dhawaaqday iney ka hortagtay weeraro drones loo adeegsaday oo ay dowladda Ukraine kusoo qaaday aroornimadii hore ee maanta oo Arbaco ah, magaalada Moskow ee caasimadda Ruushka.
Masuuliyiin u hadlay dowladda Ruushka, ayaa shaaca ka qaaday iney ka hortageen oo ay burburiyeen diyaarado drones ah, oo kusoo wajahnaa magaalada Moskow ee caasimadda Ruushka.
Masuuliyiintan la hadlay warbaahinta, waxay shaaca ka qaadeen in 3 kamid ah diyaaradaha dronesta ay ku burburiyeen meel 35 kiilomter koonfur kaga beegan qasriga Al-Karmaliin, halka 15 diyaaradoodna ku burburiyeen hawada mandiqadda Baryaanisk ee xuduuda, sida ay warka u dhigeen.
Gudoomiyaha magaalada Moskow oo qoraal soo dhigay barta Telegramka, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada difaaca hawada ay dhulka soo dhigeen ugu yaraan 10 diyaaradood, oo uu sheegay iney dowladda Ukraine kusoo weerartay magaalada caasimadda ah.
Illaa iyo hadda lama soo warin wax khasaare ah oo ka dhashey weerarka ay soo qaaday Ukraine, waxaana weerarkan lagu tilmaamay inuu kamid yahay kuwii ugu ballaarnaa ee Moskow la kulanto, tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine.