Booliiska dalka Maraykanka, ayaa ku dhawaaqay iney xabsiga dhigeen ugu yaraan 12 ruux oo ahaa taageeriyaal reer Filastiin, oo banaanbax ka hor dhigayay qunsuliyadda Yahuudda ee magaalada Shikaago.
Dadka bananabaxyada dhigayay ayaa ku dhawaqayay halkudhigyo ka dhan ah Yahuudda iyo Maraykanka, iyagoo soo jeedinayay in dowladda Maraykanka ay joojiso taageerada indho la’aanta ah ee ay siinesyo Yahuudda.
Booliska ayaa isku dayay iyagoo awood adeegsanaya iney kala ceyriyaan dadka bananabaxa dhigayay, kuwaasoo qaarkood wejiyada soo duubtay, korna u siday calanka Filastiin.
Booliiska Maraykanka, ayaa bananabaxa ay dhigayeen dadkan kasoo horjeeda Yahuudda, waxay ku sheegeen inuu yahay mid aan sharci ahayn, sidaasi dateedna ay tahay in laga hortago.