Website-ka The Elephant, oo ah website ka faallooda arimaha Afrika, warbixinno baaritaanno iyo falanqeymo ahna daabaca, ayaa qoray warbixin uu diiradda ku saarayo duqeymaha diyaaradaha Turkiga ka fuliyaan dalka Soomaaliya, kuwaasoo waayadii u dambeysay geysanayay khasaare baaxad leh oo gaaraya dadka shacabka ah.
Warbixinta oo ay qoreen qoraayaasha lagu kala magacaabo Iqra Saalax iyo Guuleed Muxamad, waxaa lagu billaabay “ Waqtigu wuxuu ahaa xilli qoraxdu sii dhaceysay, dad kudhow 50 ruux ayaa isugu yimid beer ku taalla nawaaxiga deegaanka Baqdaad ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo doonaya iney afuraan, maadaama maalinkii oo dhan ay soomnaayeen, may ogeyn in baaba’ uu kusoo food leeyahay, saacaddu markii ay ahayd 08:00 fiidnimo ayay mar keliya la kulmeen weerar culus, guuxa diyaaradaha ayaa dhegaha jebiyay, durbadiina waxaa dhacay duqeyn xoogan, waxay ahaayeen diyaarado Turkigu leeyahay” ayaa lagu yiri warbixintan uu daabacay mowqica The Elephant.
Xaawo Muxamad oo ah hooyo 25 sano jir ah, islamarkaana dhashey 6 caruur ah, ayaa markii duqeyntu dhacday waxay is waayeen caruurteeda lixda ah iyo zowjkeeda, waxaana habeenkii oo dhami ku dhuumaneysay beerta, waagu markuu dillaacay ayayna gaartay tuulada, iyadoo ka warbixisay wixii dhacay.
Duqeyntan oo dhacday 18-kii bishii Marso, waxay gallaafatay nolosha 23 ruux oo rayid ah, oo ay kujiraan caruur iyo haween, halka ay ku dhaawacmeen 17 ruux oo kale, hay’adda Amnesty International ayaana soo jeedisay in baaritaan lagu sameeyo duqeyntan oo ay ku tirisay iney qeyb ka tahay dembiyada dagaal ee ka dhacaya Soomaaliya.
Xaawo Muxammad oo duqeynta Turkigu kaga dhinteen wiilkeeda oo 11 sano jir ah, iyo ninkeeda, halka ay ku dhaawacmeen 4 kamid ah caruurteeda, iyaduna uu dhaawac kasoo gaaray ayaa la hadashey warbixinta, waxayna leedahay “ si xun ayaan u dhaawacmey, waxaan duqeynta ku waayay ninkeyga oo ahaa qofka keliya ee aan ku tiirsanaa, wuxuu iska ahaa beeralley, waxba faro kuma hayo, xitaa ilmaheyga uma heysto guri”.
Warbixinta website-ka The Elephant waxay leedahay “ Dowladda Federaalka ayaa sanadkii 2022-ka waxay qaaday howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo ay taageerayeen dowladaha Maraykanka iyo Turkiga. Dowladda Federaalka iyo Turkiga ayaana kala saxiixday sanadka 2024-ka heshiis arimaha difaaca ah oo soconaya toban sano oo xariir ah, oo ku qotoma amniga badda dalkan Soomaaliya ee dhaca geeska Afrika”.
Warbixinta ayaa tilmaameysa in dowladda Turkiga oo taageero milliteri siisa Dowladda Federaalka, sidoo kalena tababartay ciidamada Gorgor, ay waayadii u dambeysay fulisay duqeymo loo adeegsaday diyaarado drones ah, duqeyntii ugu dambeysay ee Baqdaad ayaana dhalisay walaac xoogan oo laga qabo khasaaraha gaaraya dadka rayidka ah.
Inkastoo dhowr bilood laga joogo duqeynta Turkigu ka geystay deegaanka Baqdaad, gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana dhalisay khasaaraha baaxadda leh ee gaaray dadka shacabka ah, ayay hadana ehellada dadka uu Turkigu xasuuqay waxay tilmaamayaan inaaney weli garowshiyo ama magdhow ka helin Turkiga iyo Dowladda Federaalka.
“ Waxaan aragnaa dad rayid ah ay waxyeello kasoo gaareyso duqeymaha dronesta ee sanadihi ugu dambeeyay ka dhacayay Soomaaliya, duqeymahaas waxaa horey u fulinayay ciidamada Maraykanka, laakiin hadda waxaa ku lug leh dhinacyo kale oo Turkigu kamid yahay, 9 duqeyn oo ay fuliyeen diyaaradaha Maraykanka ayay hay’adda Amnesty ogaatay in lagu dilay ugu yaraan 21 ruux oo shacab ah” ayuu leeyahay Cabdullaahi Xasan oo ah baare katirsan hay’adda Amnesty International.
Maalin kadib duqeyntii ay dadka badani ku dhinteen ee ka dhacday nawaaxiga deegaanka Baqdaad ee gobolka Shabeellaha Hoose, wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka, ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeyso in duqeymo ka dhacay Baqdaad iyo Baldooska lagu dilay 30 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab, duqeyntuna ay ka caawiyeen “ saaxiibada caalamiga ah” oo ah mustalax ay Dowladda Federaalka ugu yeerto dowladaha Shisheeye ee qeybta ka ah duullaanka Soomaaliya.
Inkastoo waayadii hore ay diyaaradaha dronesta soo saarayeen dowlado ay kamid yihiin Maraykanka iyo Ruushka, laakiin dowlado ay kamid tahay Turkiga oo qeyb ka ah ururka NATO, ayaa soo saartay diyaarado drones ah, kuwaasoo ay si fudud u siisay dowlado ku yaala Afrika, diyaaradda Biyaqdar ee Turkigu farsameeyay, ayaana duqeymo ka geysatay dalal ay kamid yihiin Soomaaliya, Niger, Maali iyo Burkina Faso.
Kaalinta sii ballaaraneysa ee Turkigu ku leeyahay duqeymaha ka dhacaya Soomaaliya, ayay warbixintu ka muujineysaa walaac la xiriira koror ku yimaada khasaaraha gaaraya dadka shacabka ah, koox isha ku heysa khasaaraha gaaraya dadka rayidka ah ee ka dhasha duqeymaha, ayaana xaqiijisay in sanadkii 2023-ka Soomaaliya laga diiwan geliyay kororka duqeymaha dronesta, ee geysanaya khasaare gaaraya dadka aan waxba galabsan.
“Weli dowladda Turkigu malahan nidaam hufan, oo ka taxadaraya khasaaraha ay duqeymahooda gaarsiin karaan dadka shacabka ah, inta badanna way iska ilaalisaa iney sheegato masuuliyadda duqeymaha ay dadka rayidka ah waxyeelladu kasoo gaarto ee ka dhaca Soomaaliya” ayay leedahay warbixinta.
Turkiga oo markii hore Soomaaliya ku timid kaarka kaalmada banii Aadamnimo, ayaa hadda noqotay awood milliteri oo galaangal xoog badan ku leh Soomaaliya, khubarada ayaana soo jeedinaya iney lama hurana tahay in Turkiga su’aalo laga weydiiyo duqeymaha uu ka fulinayo dalkan.
Warbixinta uu qorey mowqica The Elephant ee ka faallooda arimaha Afrika, waxay markan dib ugu laabaneysaa duqeyntii Marso ee sanadkan 2024-ka ka dhacday tuulada Baqdaad ee gobolka Shabeellaha Hoose.
“ Dadka ku dhaawacmey duqeyntan ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana la dhigay isbitaalka Madiina. Cabdi Raxiim Yuusuf, oo ah Engineer ehel la ah dadka ku waxyeeloobay duqeynta, isbitaalkana gurmad ahaan u yimid, ayaa tilmaamaya in dadka la beegsaday ahaayeen maati aan waxba galabsan, islamarkaana hubeysaneyn” ayay leedahay warbixinta mar ay soo xiganeyo ehellada dadka dhibanaha u ah duqeymaha Turkiga ee Soomaaliya.
“ Bulshadan horey ayaa loo dulmiyay, waxaan codsaneynaa iney cadaalad helaan dhibanayaasha, oo ay kamid tahay in magdhow la siiyo qoysaska. Waxaan kaloo codsaneynaa in lala xisaabtamo dadka ku lugta lahaa weerarka, lana qaado tallaabooyin ka hortagi kara in mustaqbalka soo noqdaan weeraro kuwan lamid ah” ayuu yiri Cabdi-Rixiim Yuusuf, oo Engineer ehel la ah dhibanayaasha Turkigu duqeynta ku laayay, oo la hadlay The Elephant.
Duqeymaha xaga cirka ah ee Maraykanka iyo Turkigu ka geysanayaan Soomaaliya, ayaa gallaaftay nolosha dad badan oo Soomaali ah, oo ay ku jiraan ganacsato, beeralley, odayaal dhaqan iyo dad bulshada magac ku lahaa, waxaana duqeymahan ay sababeen in dad badan ay ka barakacaan guryahooda iyo deegaannadii ay degnaayeen, maadaama duqeymuhu saameeyeen waxyaabihii ay noloshooda ku tiirsaneyd sida wax soo saarka beeraha.
Soomaaliya oo aan lahayn dowlad dhexe oo awood leh, iyo Dowladda Federaalka oo iyaduba Shisheeyaha ku marti gelineysa wadanka awgeed, wuxuu dalkan noqday masrax iyo fagaare lagu tijaabiyo gantaallada iyo diyaaradaha milliteri ee Shisheeyaha.
Halkan ka dhagayso Duqeymaha Turkiga ee Soomaaliya- The Elephant