HomeAll newsMaamulka la Baxay Somaliland oo Xiray Kalluumeysato Yamaniyiin ah.

Maamulka la Baxay Somaliland oo Xiray Kalluumeysato Yamaniyiin ah.[DHAGEYSO]

Ciidamada ilaalada xeebaha ee maamulka la baxay Soomaliland ayaa waxa ay saacadihii lasoo dhaafay degaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi ka sameeyeen howlgallo raaf ah, oo ay kusoo qabqabanayaan kalluumeysato Yamaniyiin ah oo ka jillaabanayay xeebaha.

Maamulkaan oo horay dowladda Xabashida Itoobiya ugu saxiisay iney qaadato qeybo kamid ah xeebaha Soomaaliya, ayaa waxa uu kalluumeysatadaan Yamaniyiinta ku tilmaamay kuwa badda xadayay, islamarkaana si sharci darro ah kaga jillaabanayay xeebaha.

Muuqaallo bahdilaaad umuqda ayay kasoo duubeen kalluumeysatada Yamaniyiinta ah ee ay kusoo qabteen howlgalka ay ka sameeyeen xeebaha.

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada badda ee maamulka la baxay Soomaliland ayaa ka hadlay tirada kalluumeysatada ay gacanta kusoo dhigeen, isagoo sheegay iney maxkamad geyn doonaan.

Dad badan oo ka falceliyay arrintaan ayaa aad ula yaabay tallaabada uu qaaday maamulka la baxay Soomaliland, kaas oo ay ku tilmaameen inuu isagu yahay kan xadaya badda, islamarkaana ugacan galinaya dowladda Xabashida Itoobiya oo ay cadaawad fog kala dhexeyso Soomaalida.

Halkaan ka Dhageyso Warbixinta Kalluumeysatada Yamaniyiinta ah ee la Xiray

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular