Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya, in askari katirsan Dowladda Fedaraalka uu si bareer ah magaalada Muqdisho ugu dilay qof shacab ah.
Askariga ayaa waxa uu ninkaan oo lagu magacaabo Gacalow waxa uu ku dilay xaafadda Buundooyinka ee degmada Waabari oo katirsan Muqdisho, waxaana loo dilay lacag dhan 3-kun oo shilin ah Soomaali ah, taas oo uu baad ahaan kaga rabay.