HomeAll newsYahuudda oo Duqeymo Ka Fuliyay Dalka Lubnaan.

Yahuudda oo Duqeymo Ka Fuliyay Dalka Lubnaan.

Diyaaradaha maamulka Yahuudda ayaa saacadihii lasoo dhaafay, waxaa uu silsilado duqeymo ah ka fuliyay deegaanno kala duwan oo qaarkood ku yaala gudaha dalka Lubnaan iyo sidoo kale koonfurta wadanka.

Ugu yaraan 10 duqeyn ayay diyaaradaha maamulka Yahuudda ka fuliyeen gudaha dalka Lubnaan, kuwaasoo dhaliyay waxyeello kala duwan, warbaahinta Yahuudda ayaana tabinayay duqeymahan.

Deegaannada ay duqeymuhu ka dhaceen ee dalka Lubnaan waxaa kamid ah, Al-Khiyaam, Kafar-Shuuba, Muxiibiib, Ceytaa iyo deegaano kale.

Ururka shiiciga ah ee Xisbullaah la magac baxay, kuna xoogan dalka Lubnaan, ayaa isaguna dhankiisa wuxuu duqeymo ka fuliyay gudaha deegaannada Yahuuddu xooga ku heystaan, lamana oga waxyeellada ay dhaliyeen duqeymahaas.

Waxay arimahan kusoo aadayaan, iyadoo warbaahinta Yahuudda tabiyeen in maamulka Yahuudda uu qorsheynayo in ciidamo badan uu kasoo saaro Jiidda Qazza, una soo wareejiyo dhanka wuqooyi ee uu ka xigo dalka Lubnaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular