Wakaaladda Faaris ee kasoo baxda dalka Iiraan, kana mid ah warbaahinta aad ugu dhow xukuumadda shiicada ah ee Iiraan, ayaa baahisay warbixin ay kaga hadleyso inuu soo dhamaaday baaritaan lagu hayay sababta keentay burburkii diyaaradda Ibraahim Ra’iisi, madaxweynihii hore ee dalka Iiraan.
Warbixinta wakaaladda Faaris, waxaa lagu sheegay in burburka diyaaraddii Ra’iisi ee bishii Marso, ay sababteedu ahayd isbedelka cimillada hawada, iyo diyaaradda oo awoodi weysay iney qaado culeeska ay siday.
Waxaa horey u taagnaa shaki la xiriira suurtogalnimada, in diyaaradii Ra’iisi iyo wasiirkiisa arimaha dibadda lasoo dhacday ee ay ku dhinteen, ay ahayd howlgal qorsheysan oo ay ka dambeeyeen sirdoonnada Yahuudda iyo Maraykanka.