Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Muqisho ayaa ka cabanaya dhulboob lagu hayo guryahooda.
Waxa ay sheegeen in dhulkooda ay boob ku heyso dowladda fedaraalka, kaas oo ay heystaan dekumentiyadii cadeynayay iney iyagu leeyihiin.
Si gaar ah madaxweynaha dowladda fedaraalka Xasan Sheekh ayay ugu eedeeyeen inuu dhulboobkaan ku hayo, meel walbo oo ay tageenna loo sheegay in dhulkooda uu ku maqan yahay madaxtooyada.