Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaa ka jira dhibaatooyin kala duwan, oo sababta ugu weyn ee keentayna tahay maamul xumida Dowladda Federaalka ee Shisheeyaha ka amar qaadata.
Inkastoo reer Muqdisho laga qaado bishiiba lacago malaayiin doollar oo canshuuro lagu sheegay, laakiin dadku aaminsanyihiin iney baad tahay, ayay hadana jirin wax haba yaraate loogu qabto.
Tusaalaha ugu yar, waa wadooyinka caasimadda ee Muqdisho, kuwaasoo noqday kuwa dhegxaan lagu jaray, ama kuwa u xirmay nadaafad darro awgeed, maadaama ay isku bedeleen bullaacado ay biyo dhex jiifaan.
Halkan ka dhagayso Wadooyinka Muqdisho ee Nadaafad darrada u xiran.