Waxaa gobolka Galgaduud kusoo dhamaaday kulan muhiim ah, oo ay isugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku abtirsata jufada Awradeen ee beelweynta Maxmuud Hiraab, kaasoo looga arinsanayo arimo masiiri ah.
Kulanka oo ay barbar socotay dowro sharci ah oo lagu baranayay arimo la xiriira Diinta Islaamka, ayaa waxaa gebegebadii kasoo baxay qodobo muhiim ah.
Waxgaradka beesha qeybahooda kala duwan, ayaa madasha ka sheegay iney garab u yihiin ku dhaqanka Shareecada Islaamka, dadka iyaga ku abtirsada ee Shisheeyaha garab taaganna ay la gudboontahay iney kasoo baxaan safka ay ku jiraan.
Halkan ka dhagayso Warbixin ku saabsan kulanka jufada Awradeen.