Sheykhul Al-Baani waxa uu kamid yahay Muxadithiinta ugargaaray diinta, islamarkaana juhdiga ballaaran ku bixiyay difaaca Sunnada, la dagaalanka Ahlu Bidaca iyo kuwa hawadooda raaca, warbixinteenna maanta ayaan kusoo qaadan doonnaa insha’allaah Taariikh nololeedkiisa.
Magaciisu waa Abuu C/raxmaan Naasirud-Diin Maxamed Bin Nuux Bin Aadam Bin Najaati Al-Albaani, waxa uuna caan ku ahaa Naasirud-Diin Al-Baani.
Waxa uu sheekhu Allaha unaxariistee sannadkii 1332-dii Hijriyada, oo ku beegneyd 1914-kii milaadiyada ku dhashay, Magaalada Ishquudarah oo xilligaasi aheyd caasimadda Al-baaniya, waxaana nicmooyinka uu Allaah ku galladay kamid ah inuu ka dhashay qoys tawaaduc badan oo ahlu diin ah, waxaana aabihiis Al-Xaaji Nuux Najaati Al-Albaani uu kasoo qalin jabiyay macaahiddii sharciga aheyd ee caasimaddii khilaafadii Cuthmaaniyiinta ee Astaana maantana loo yaqaanno Istanbul, waxa uuna kusoo laabtay dhulkiisa isagoo billaabay inuu cilmiga faafiyo, dadkana waxbaro, illaa oo kamid noqday mashaayiikhda ugu waaweyn ee Al-Baaniya.
Safarkii Al-Baani ee Shaam.
Axmed Zooqo oo sannadkii 1922 Hijriyada maamulayay dalka Al-Baaniya ayaa billaabay, in uu bulshada dalkaas kusoo rogo nidaamka reer-galbeedka, isagoo sidoo kale raacaya dhabbihii Mustafa Kamaal Ata-Turki ayuu soo rogay qawaaniinta wadiga ah, haweenka Muslimaadka ah ku waajibiyay iney xijaabka tuuraan, dhaqanka laqaadanayana uu noqdo mid reer galbeed.
Aaabaha dhalay Shekh Al-Baani ayaa markii uu arkay dhaqankaan xun waxa uu isagoo u cabsanaya diintiisa, ehelkiisa iyo ubadkiisa go’aansaday inuu u hijroodo dhulka Shaam, waxa uuna tagay magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, maadaama uu magaaladaas aqoon ulahaa oo uu soo maray safarkiisii Xajka, waxa uuna xilligaasi Sheekh Al-Baani jiray 9 sano.
Dalabkiisii cilmiga.
Markii ay tageen magaalada Dimishiq Sheekh Al-Baani waxaba kama uusan garaneyn luqadda Carabiga, waxa uuna billaabay inuu daraaseeyo Carabiyadda, waxa uuna qaar kamid ah culuumta diinta iyo carabiga ka bartay majmuuco kamid ah mashaayiikhda iyo culimadii ay asxaabta ahaayeen aabihiis, kuwaas oo uu ka qaatay funuun kala duwan.
Imaamku wuxuu soo dhigtay dugsiga dhexe isagoo wali dugsiga dhexe kujira ayuu aabihii ka saaray dugsigaas , wuxuuna u bilaabay inuu guriga ugu dhigo cilmiga maadaama uu ahaa sheekh Faqiih ah. Halkaas ayuuna uga bilaabay inuu u dhigo tajwiidka Qur’aanka Kariimka, culuumta Naxwaha Carabiga iyo Fiqiga Xanafiga.
Allaha unaxariistee waxa uu Sheekh Al-Baani dalabka cimliga xadiithka billaabay isagoo 20 jir ah, kolkaas oo uu ku saamoobay diraasaadka ay sameyneysay Majaladda Al-Manaar ee uu saarayay Shekh Maxamed Rashiid Ridaa.
Nolol maalmeedkiisii.
Sheekh Al-Baani wuxuu aabihii ka bartay qaabka saacadaha loo hagaajiyo, taasoo ahayd xirfadii uu ku shaqaysanjiray ee uu nolol maalmeedkiisa kasoo saari jiray, Waxaa la sheegaa inuu sheekhu laba maal mood uun shaqaynjiray intakalana uu waxbaran jiray .
Imtaxaanaadkii uu Sheekhu soo maray.
Sheekhu waxa uu billaabay faafinta dacwada, isagoo culimadii xilligaasi jirtay ee ka shaqeynayay masaalixda xukuumada ay aad umucaaradeen, iyagooo dadka ku kiciyay manaabirtana ku weeraray, intaasi kuma kaaftoobine waxa uu arrinku gaaray inay masaajidda ka manciyaan, islamarkaana ay ka hor istaagaan inuu duruus ka bixiyo magaalooyinka Dimishiq, Xalab, Laadiqiyah, iyo magaalooyinka kale ee ku yaalla Suuriya.
Waxa ay sii wadaan xadgudubkooda, waxa ay gaartay heer ay ku been abuurtaan, taas oo sababtay in xukaamta Carbeed ay xabsiga dhigaan Sheekha, isagoo muddo ku dhaw 8 bilood ku xirnaa Qalcadda Dimishiq sannadkii 1967-dii milaadiyada, taas oo aheyd isla Qalcaddii lagu xiray Sheykhul Islaam Ibnu Teymiyah Raximahullaah.
Safarradiisii cilmi iyo dacwadeed.
Waxa uu Sheekh Al-Baani galay safarro dhowr ah, kuwaas oo uu ku maray gudaha Suuriya iyo wadamada kale, waxa uu booqday badi magaalooyinka kala duwan ee dalka Suuriya.
Safarradiisii ka baxsanaa Suuriya waxa uu ku tagay wadamada Urdun, Lubnaan, Kuweyt, Imaaraatka Carabta, Qadar, Sucuudiga, dhulka la heysto ee Filastiin, Masar, Moroco, Spain iyo wadamo kale, isagoona qaban jiray nadawaad cilmi ah, islamarkaana su’aalaha uga jawaabi jiray dadka.
Waxa uu Allaah waafajiyay inuu ku tukado Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsaa, wuxuu macalin kasoo noqday Jaamacada caanka ah ee Madiina Al-munawarah, halkaas oo madax looga dhigay qaybta Xadiithka sanadku markuu ahaa 1381 ilaa 1383dii Hijriyada.
Waxa uu kaloo sheekhu Allaah waafajiyay, inuu soo nooleeyo sunnooyinkii ay dadku ka haajireen, kuwaas oo ay kamid ahaayeen in salaadaha ciidda lagu tukado goob musalle ah, sunnada salaadda Taraawiixda in lagu tukado 11 rakco, Xijaabka haweenka Muslimaadka ah, ka digidda qubuurta oo Masaajid laga dhiso laguna tukado, iyo sunan kale oo badan, waxa uuna sidoo kale sheekhu ahaa mid baac dheer ku leh towjiihinta dhalinyarada Muslimiinta.
Shekh Al-Baani wuxuu caan ku ahaa ladagaalanka tacasubka loo tacasubo madaahibta, isagoo dadka ku boorin jiray in wax laga qaato sunada iyo Qur’aanka Kariimka lana raaco fahamkii salafka .
Hadalladii ay culimadu ka yiraahdeen.
Sheekh Ibn Baaz isagoo ka hadlaya Shekh Al-Baani waxa uu yiri “Ma arag casrigan aynu joogno ruux cilmiga xadiithka kaga caalimsan Al-Baani”.
Sheekh Ibnu Cutheymiin isana waxa uu leeyahay “Intaan ka ogahay sheekhan waxaa lagu bartay inuu sunnada ku dadaalo oo bidcacada la dagaalamo. Bidcadaas oo ah mid ku salaysan ictiqaad iyo camal”.
Imaam Shanqiidi waxaa la wariyaa in isagoo darsi akhrinaya haddii uu soo galo imaam Albaani, in uu joojin jiray darsiga isagoo salaami jiray, ixtiraam iyo weynayn uu weynaynayo darteed.
Xanuunkii Sheekh Al-Baani.
Sheekh Al-Albaani Allaha u naxariistee waxaa maalmihii ugu dambeeyay ee nolashiisa la ildarnaa cudurro dhowr ah, waxa uuna ku waajahay sabar iyo ixtisaab, aad ayuu u caatoobay jirkiisa, waxaana cudurrada ku dhacay kamid ahaa dhiig yari, iyo cudurro kaga dhacay Beerka iyo mid kamid Kilyihiisa.
Isagoo xaaladdaas ku sugan ayuusan sheekhu ka harin mudaalaceynta kutubta, taas oo muujineysa ihtimaamka uu siiyay cilmiga sharciga ah iyo faafinta dacwada.
Geerida Sheekh Al-Baani.
Kadib masiiro dheer oo ay hareysay cilmi, dacwo xanuun iyo sabar, waxaa uu sheekhu geeriyooday maalin Sabti ah 22 Jumaadal Aakhirah ee sannadkii 1420-kii Hijriyada, Allaah ha unaxariisto Sheekha, hana dajiyo Jannaaadkiisa, hana ka abaal mariyo wixii uu qabtay diinta iyo sunnada nabiga Sallallaahu Caleyhi Wasallam.
Halkan ka dhagayso Warbixinta Taariikhda iyo waxqabadkii Imaam Albaani.