Dhibaatooyin xagga nolosha ah ayaa lasoo daristay qoysas ku barakacay colaado qabiil oo ka jira gobalka Mudug.
Dadkaan oo ku dhaqan degaanno katirsan gobalka Mudug, ayaa wajahaya xaalado nololeed oo ay kamid yihiin biyo la’aan, cunno yari iyo bacaadka guurguura oo qariyay guryahihii ay ku noolaayeen.
Qoysaskaan dhibaatada heysato ayaa waxa ay kamid yihiin, 300 oo qoys oo horraantii bishaan Augusto ku barakacay dagaal beeleed ka dhacay tuulada Hir-salaama ee gobolka Mudug.
Waxay isugu jiraan xoolo dhaqato, ganacsato iyo xoogsato nolol maalmeedkooda ku raadsada xirfadaha kala duwan ee ay garanayaan.