Waa Filim xiiso badan oo ciwaan looga dhigay “ Cabdi-Ladhiif As-Sayid iyo Qisaastii cadaaladda” waxaana baahisay mu’assasada warbaahineed ee Al-Malaaxim, oo ku hadasha afka Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab.
Filimkan oo la daawan karo inkabadan 20 daqiiqo, ayaa soo bandhigaya, dagaalka qaraaraa iyo dibin-daabiyada joogtada ah ee uu ku tilmaamnaa Cabdi Ladhiif As-Sayid, dagaal oogihii ay Mujaahidiintu waaya dheer ku daba jireen, dabino badan oo loo qooleyna ka badbaaday.
Qissada la dagaallanka Shareecada Islaamka ee Cabdil Ladhiif As-Sayid, waxay soo billaabaneysaa 2011-ka, xiligaas oo gobolka Abyan iyo gobollo badan oo dhaca koonfurta Yemen ay gacanta ku dhigeen mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab.
Cabdil Ladhiif, ayaa ahaa hogaamiye kooxeed dhibaateeya dadka muslimiinta, hantidoodana xoog uga qaata, laakiin markii la taagay suldaanka Shareecada, wuxuu iclaamiyay inuu ka towbad keeney howshaas, isagoo kusoo biirey safka Mujaahidiinta Ansaaru Shareeca.
Halkan ka dhagayso Warbixin- Filimka Al-Qisaasul Caadil- Malaaxim