Ugu yaraan 35 ruux oo Soomaali ah ubadan ayaa lasoo sheegayaa iney ku go’doonsan yihiin Jaziirad ku taalla Giriiga.
Dadkaan oo soo jaray wado dheer oo ay ku safraan tahriibayaasha una dhexeysa Giriiga iyo Turkiga ayaa waxa ay ugu dambeyn xukuumadda Giriiga diiday iney dalkeeda soo galaan.
Waxa ay halkaasi ku wajahayaan xaalado adag, sida gaajo iyo biyo la’aan, waxaana sawirro laga soo qaaday ay muujinayaan dhibaato badan oo ka muuqata tahriibayaashaan.
Halkan ka dhagayso Dhibaatada Soomaali ku go’doonsan Gariiga.