Aroornimadii hore ee maanta oo Axad ah, diyaaradaha maamulka Yahuudda ayaa duqeymo culus ku garaacay qeybo kamid ah wadanka Lubnaan, halkaas oo ay sheegeen iney ku beegsadeen ururka shiiciga ah ee Xisbullaah.
Maamulka Yahuudda ayaa war uu soo saaray, wuxuu ku sheegay iney beegsadeen goobo sawaariikh laga soo tuuro oo ku taalla dalka Lubnaan, halkaas oo ay sheegeen in lagu qorsheynayay weerarro beegsada Yahuudda.
Duqeymaha Yahuuddu geysteen ayaa ahaa kuwa badan, waxaana ay ka dhaceen illaa 40 goobood, sida ay tabinayaan warbaahinta maamulka Yahuudda taabacsan.
Dhinac kale, ururka shiiciga ah ee Xisbullaah la magacbaxay, ayaa dhankiisa tilmaamay in duqeymo loo adeegsaday diyaarado drones ah ay ku qaadeen gunta hoose ee deegaannada uu xooga ku heysto maamulka Yahuudda.
Wuxuu ururkan shiiciga ah tilmaamay, in weerarka uu jawaab u ahaa duqeyn ay diyaaradaha Yahuudda ku dileen hogaamiye katirsna ururka oo lagu magacaabo Fu’aad Shukri, kaasoo dhawaan lagu dilay dalka Lubnaan.