Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa maanta oo Axad ah qabtay shir jaraa’id kkaasoo xambaarsan digiin lagu jeediyay lahjad adag oo lagula hadlay bangigada iyo shirkadaha dhanka kalana lagula saftay bulshada iyo ganacsatada todobaadyadii lasoo dhaafay sida aadka ah uga qeyla dhaaminayay canshuuraha xad-dhaafka ah ee ay DF kusoo rogtay.
Shirkan Jaraa’d oo cinwaan looga dhigay (Digniin Ku Socota Shirkadaha, Bangiyada Iyo Shakhsiyaadka Ku Lug Leh Boobka Hantida Shacabka Muslimka Ah Ee Soomaaliyeed) ayuu Afhayeenka XSHM ugu horreyn ku caddeeyay iney si dhow ula socdaan dad uu ugu horreeyo Xasan Sheekh iyo dhinacyo kale kuwaasoo ku heshiiyay burcadnimo cusub oo lagu dhacayo hantida ummadda Soomaaliyeed, sidaa si lamid ahna ay ka war hayaan shirkado iyo bangiyo ammaanadii ay bulshadu u dhiibatay u wareejiyay cadawgooda.
“Waxaan xogteeda haynaa tallaabada ku xigta ee ay soo wadaan, taas oo boqolkiiba boqol ka halis badan waxa ay maanta ku kacayaan. Waxaan la soconaa go’aanada kasoo baxaya waxa loogu yeero wazaarada maaliyada ee kooxda ridada, ee laga soo meersaday waxa loogu yeero IMF iyo world Bank, iyo haadamada halista ah ee ay hay’adaha reergalbeedka ee dhiig-miiratada ah ku sii wadaan dhaqaalaha dalka. Waxaan la soconaa cadaadisyada xoogan ee kooxda ridada lagu saaray inay keento dhaqaale lagu sii socodsiiyo duullaanka saliibiga ah ee lagu hayo dalkan.”. Ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sheekh Cali Dheere ayaa xusay waxa dhacaya xilligan iyo dhibaatooyinka ay ka cabanayaan shacabka iyo ganacsatada iney yihiin in yar oo kamid ah hagardaamooyinkii ay horey uga digeen, waxa soo socdana ay boqolkiiba boqol ka daran yihiin. Sidaasi darteed wuxuu diray afhayeenku digniino kala duwan oo ku socda bulshada iyo shirkadaha iyo bangiyada DF kula heshiiyay iney wax uga jarayaan hantida dadka u hayaan.
“Waxaa xaaraan ah oo aan sinaba ku banaaneyn, lana aqbaleynin marnaba tallaabada uu qaaday murtad Gurguurte iyo xulafadiisa mujrimiinta ah. Waxaan digniin kama dambeys ah siinaynaa shirkadaha, bangiyada iyo shakhsiyaadka ku lugta leh boobka ka dhanka ah xoolaha dadka muslimiinta ah ee xoogga looga qaadanayo. Waxaan u sheegeynaa inay faraha kala baxaan qorsheyaasha gurracan ee Umadda u horseedaya faqriga iyo saboolnimada. Shirikadaha, bunuukta, iyo shakhsi waliba ee ku lugleh boobka dhaqaalaha shacabka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, ee u hogaansami waaya digniintan, waxaan ka qaadi doonaa tallaabo waafaqsan shareecada Islaamka insha’Allaahu tacaalaa”. Sidaasi waxaa yiri Sheekh Cali Dheere.
Intaasi kadib wuxuu bulshada Soomaaliyeed u diray digniin ah iney hantidooda kala baxaan shirkadahaas iyo bangiyadaas muddo hal todobaad ah.
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaynaa inay muddo hal isbuuc ah, oo ka billaabanaysa berri ay oo taariikhdu tahay 22 Safar 1446H oo ku beegan 26 Agoosto 2024, hantidooda kagala baxaan bangiyada iyo shirkadaha fududeynaya boobka lagu bililiqeysanayo hantida bulshada, waxaan dadweynaha u sheegeynaa in haddii ay mudadaas ugala bixi waayaan hantidooda ay iyagu qaadayaan mas’uuliyada wixii ka yimaada arintaa iyada ah” ayuu mar yiri Sheekh Cali Dheere.
Ugu dambeyntii wuxuu khiyaar geliyay shirkadaha iyo bangiyada wuxuuna yiri: “Ugu dambeyntii, Waxaan dhamaan bangiyada, shirkadaha iyo xarumaha ganacsi ee gaarka loo leeyahay u sheegeynaa inuu khiyaarku gacantooda ku jiro, waxa u furana ay tahay oo kaliya inay kala doortaan inay madax banaanidooda dhawraan, ilaaliyaan ballantii ay ka qaadeen bulshada ee ahayd inay maalkooda u xafidayaan, xogahooda u ilaalinayaan, ammaanada loo dhiibtayna soo celinayaan xilligii looga baahdo, ama inay la saftaan nidaamka ridada ah oo ay ka qayb qaataan boobka lagu hayo hantida shacabka, kadibna u diyaar garoobaan ciqaabta ay ka helaan xukunka shareecada Islaamka.”
Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa hoosta ka xarriiqay in shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah aysan marnaba aqbali doonin siyaasad walba oo u adeegeysa cadawgooda, unu horseedeysa saboolnimo iyo faqri. “Shacabkeenu marna uma hoggaansami doonaan mujrimiinta doonaysa inay cayrteeyaan, hantidoodana ka taajiraan. Qof walba oo Muslim ah ee isagoo maalkiisa difaacanaya la dilana waa Shahiid, insha’Allaahu tacaalaa.” ayuu kusoo gabagabeeyay shirkiisa jaraa’id oo ah maqal iyo muuqaal.
Shirkan jaraa’id oo ay baahisay mu’asasada Al-Kata’ib ayaa kusoo aadayaa iyadoo madaxweynaha DF uu habeenkii xalay shaaca ka qaaday iney lacag ka qaadayaan qof kasta oo Soomaali ah xataa kan koobka shaaha ah cabaya, waxaana warka XSHM uu kusoo aadayaa iyadoo ay xaaladdu meel xun ka mareyso bulshada iyo ganacsatada Muqdisho sida ka muuqatay wararkii ay soo saarayeen iyo dibadbaxyadii ay caasimadda ka dhigayeen.
Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee Sheekh Cali Dheere.