HomeAll newsMilliteriga Maali oo dalkaasi ka Mamnuucay Warbaahin laga Leeyahay Faransiiska.

Milliteriga Maali oo dalkaasi ka Mamnuucay Warbaahin laga Leeyahay Faransiiska.

Wareegto kasoo baxday xukuumadda milliterigu hogaamiyo ee dalka Maali, ayaa lagu sheegay in dalka looga mamnuucay telefeshin laga leeyahay dalka Faransiiska, kaasoo lagu eedeeyey inuu baahiyay warar ka dhan ah milliteriga dalka.

Telefeshinka LCI ee laga leeyahay dalka Faransiiska, ayaa guud ahaanba waxaa laga mamnuucay dalka Maali, taasoo ka dhigan inaanu telefeshinku wariyaashiisu warar ka tabin karin Maali iyo sidoo kale inaan laga daawan karin dalka.

LCI, ayaa war qoraal ah oo uu Internetka soo dhigay, wuxuu ku sheegay in go’aanka xannibaadda ee lagu soo rogay uu sii soconayo 2 bilood oo xiriir ah, sida ay kasoo xigteen waaxda Isgaarsiinta ee xukuumadda milliteriga Maali.

Telefeshinka la mamnuucay ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu baahiyay warar sumcad xumeynaya ciidanka milliteriga Maali, dhinac kalena qiil u raadinaya waxa loogu yeero argagaxisada.

Dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale dalka Burkina Faso looga mamnuucay inuu ka howlgalo telefeshinka LCI ee laga leeyahay dalka Faransiiska.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular