Waxaa qarax maanta lagula beegsaday deegaanka Tareedisho ee dhaca wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, ciidamo katirsan Dowladda Federaalka, qaraxa ayaana dhaliyay waxyeello kala duwan.
Askarta gaariga la qarxiyay saarnaa ayaa noqday dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa lagu dilay 5 askari, halka lagu dhaawacay 6 askari oo kale.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan dhaliyay khasaaraha kala duwan, sida ay baahisay Idaacadda Al-Andalus.
Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaa maalmahan kusii xoogeysanaya howlgallada ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ee ka dhanka ah askarta Dowladda Federaalka.