Degaannada uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland ayaa la sheegay in 6-dii bilood ee lasoo dhaafay ay ka dhaceen 800 shilal gaadiid ah.
Warbixin uu soo saaray maamulkaas ayaa lagu sheegay, in 45 ruux ay ku dhinteen shilalka lixda bilood ee lasoo dhaafay.
Dhaawaca ayey sido kale ku sheegeen inuu gaarayo ku dhawaad 300 qof.
Shilalkan ayaa la aaminsanyahay iney sabab u yihiin, isticmaalka maadooriyaha, xawaaraha sare ee ay wadayaasha badankood ku kaxeeyaan gaadiidka, iyo nidaamka maritaanka wadooyinka oo aysan ilaalin darawallo badan, halka wadooyinka ay burbursanyihiin.
Halkan ka dhagayso Shilalka 6 Bilood ka dhacay Deegaannada uu ka taliyo maamulka Puntland.