HomeAll newsUkraine oo Ruushka Ka Geysatay Duqeyn Khasaare Dhalisay.

Ukraine oo Ruushka Ka Geysatay Duqeyn Khasaare Dhalisay.

Gudoomiyaha gobolka Beligorod ee saaran xuduuda Ukraine iyo Ruushka, ayaa shaaca ka qaaday in duqeyn dowladda Ukraine ka fulisay qeybo kamid ah gobolka ay dhalisay khasaare gaaray dadka shacabka ah.

Gudoomiye Galad-koof ayaa xaqiijiyay in duqeyn dowladda Ukraine ka geystay tuullo lagu magacaabo Rakitanwi oo hoostagta gobolka Beligorod ay ku dhinteen ugu yaraan 5 ruux oo 3 kamid ah caruur yihiin, halka ay ku dhaawacmeen ugu yarana 12 ruux oo 2 kamid ahna caruur yihiin.

Wuxuu intaa ku daray gudoomiyaha gobolka Beligorod, in 4 kamid ah dhaawacyada ay xaaladooda liidato, kuwaasoo kala ah haweeney iyo 3 rag ah, laguna sameynayo qalliinno kala duwan, oo lagu doonayo in noloshooda lagu badbaadiyo.

Deegaannada Ruushka ee dhaca xuduuda Ukraine, ayaa noqday goobo furin ah, oo waayadii ugu dambeeyay marti gelinaya silsilado weeraro kala duwan, waxaana xaalku sii darsaday markii ciidamada Ukraine weerar abaabulan oo ballaaran ku qaadeen gudaha dalka Ruushka, kaasoo soo billowday horaantii bishan Agosto.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular