HomeAll newsRa’iisul wasaarihii hore ee Lubnaan Saliim Al-Xis ayaa geeriyooday.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Lubnaan Saliim Al-Xis ayaa geeriyooday.

Dowladda Lubnaan ayaa ku dhawaaqday geerida ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas ninka lagu magacaabo Saliim Al-Xis, kaasoo ku dhintay da’da 94 sano.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Lubnaan Najiib Miiqaati, ayaa ku dhawaaqay geerida Saliim, wuxuuna sheegay in laga billaabo maanta oo Isniin ah uu dalka Lubnaan galayo baroor diiq soconeysa 3 maalin.

Bayaan kasoo baxay xukuumadda Lubnaan, waxaa lagu sheegay in geerida Saliim Al-Xis ay timid xilli dalka uu xaalad adag marayo, ayna aad ugu baahi qabeen taladiisa iyo tusaaleyntiisa, sida warka lagu sheegay.

Lubnaan ayaa wajaheysa xaalad cakiran oo asbaabaheedu kamid yihiin Shiicada talada dalka sida dadban gacanta ugu heysa, waxaana dowladda Lubnaan ay wajaheysa caqabado ballaaran oo ay kamid tahay dhaqaale yari, labo sano oo kaamil ah ayuuna banaanyahay kursiga madaxweynaha dalka.

Saliim Al-Xis ayaa marar kala duwan wuxuu soo noqday ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan intii u dhexeysay 1975-tii illaa 1990-kii, sanadkii 1929-kii ayuuna ku dhashey dalka Lubnaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular