Sabtidii aynu soo dhaafnay, ayaaa weerar lagu qaaday macbad ay Yahuuddu ku leeyihiin magaalo dhacda koonfurta dalka Faransiiska, waxaana fuliyaha weerarka u suurogashey inuu goobta ka baxsado.
Gaari ayaa lagu hor bakaimay macbadka Yahuuddu leeyihiin magaalada La-Garand ee koonfurta wadanka Suuriya, waxaana qarax uu sameeyey matoorka gaariga uu sababay inu dab uu ka kaco goobta.
Ninka howshan ka dambeeyay ayay warbaahinta Faransiiska oo soo xiganaya goobjoogayaal waxay sheegeen inuu watay calanka reer Filastiin, ayna u suurogashey inuu goobta isaga baxsado.
Dhowr maalin oo ay ciidamada ammaanka ku daba jireen, waxay wasaaradda arimaha gudaha ee Faransiiska shaaca ka qaaday iney ciidankeedu soo qabteen ninka ka dambeeyay weerarkan.
Magaalo lagu magacaabo Niim oo u dhow goobta lagu weeraray macbadka Yahuudda ayaa laga soo qabtay ninkan, dowladda Faransiiska ayaana weerarka ku tilmaamtay inuu yahay mid argagaxiso.
Madaxweynaha Faransiiska Macron, ninka ku caan baxay aflgaadeynta Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi Wasallam, ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday macbadka Yahuuddu leeyihiin, isagoona sheegay in dalkiisu wajahayo mowjado weeraro argagaxiso, sida uu warka u dhigay.