Wadanka Koongo oo kamid ah wadamada Africa, ayaa lagu dilay darawal Soomaali ah, kaasoo shil ku galay wadankaasi.
Wadahan ayaa kaxeynjiray gaadiidka xamuulka, waxayna isaga iyo darrawallo kale oo Soomaali ah safar uga baxeen magaalada Kumaado oo katirsan Koongo.
Intii ay sii socdeen wadada ayuu shil galay gaarigii uu waday, kaasoo aysan wax khasaare ah ka dhalan, hase ahaateee shilka kadib, dad udhashay wadankaasi ayaa gaarigii uu waday kala degay, halkaasna ku gowracay.
Cabdullaahi Cabdulle oo ku magac dheeraa Dhaga-cadde kana mid ahaa dadka Soomaaliyeed ee darawalnimada uga shaqaysan jiray waddanka Koongo, laakiin waxaa loo dilay sidan arxan darrada ah.
Soomaalidii kale ee safarka ku wehlinayay, ayaa iyaguna si dirqi ah kaga baxsaday goobta.