Sarkaal katirsanaa maamulka la baxay Koonfur galbeed, kana hawlgelijiray magaalada Baydhabo, ayaa isku dhiibay maamulka Islaamiga ah ee gobolka Bakool, kadib markii uu ka baxay maamulkii uu katirsanaa.
Cabdulfattaax Maxamad Cali, ayaa maamulka la baxay Koonfurgalbeed u qaabilsanaa inuu u uqoro dadka ku biiraya, maamulka uu katirsanaa.
Wuxuu arrintaasi ku hawlanaa muddo 4 sanno ah, sida uu warbaahinta usheegay.
Sarkaalkan, ayaa lagu soo bandhigay magaalada Buur-dhuxulle ee gobolka Bakool, halkaas oo uu warbaahinta kula hadlay.