HomeAll newsCiidamada Milliteriga Maali oo Duqeymo Ku Laayay Dad Shacab ah.

Ciidamada Milliteriga Maali oo Duqeymo Ku Laayay Dad Shacab ah.

Wararka naga soo gaaraya dalka Maali, ayaa ku waramaya in diyaaradaha Turkigu leeyahay ay wadankaasi ka geysteen duqeymo indho la’aan ah, oo gallaaftay nolosha dad badan oo shacab ah.

Duqeyn ka dhacday deegaanno hoostaga mandiqadda Tanzawatiin ee dalka Maali, ayaa lagu soo waramayaa iney ku go’een dad shacab ah oo aan waxa galabsan.

Diyaaradaha Turkiga ee ay ku wareejiyeen milliteriga Maali, ayaa bartilmaameed ka dhigtay deegaannada ay dadka shacabka ah deganyihiin, waxaana duqeynta oo ahayd mid xoogan lagu dilay ugu yaraan 21 ruux, oo ay caruur kamid yihiin.

Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin, ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku beenisay sheegashada milliteriga ee ahayd in duqeymahan ku beegsadeen goobo isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin.

Bayaan ay baahisay mu’assasada Az-Zallaaqa, waxaa lagu sheegay in duqeyntan ay qeyb ka tahay musalsalka jaraa’imta ay ku kacayaan milliteriga la wareegay talada dalalka Niger, Burkina Faso iyo Maali.

Nusratul Islaam wal Muslimiin, waxay ku baaqday in shucuubta muslimka ah ee dega dalalka saddexda ah ay la gudboontahay iney isgarabsadaan, khibradaha is dhaafsadaan, awoodoodana mideeyaan, si ay isaga difaacaan gumaadka aan geed loogu soo gamban ee lagu hayo dadka shacabka ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular