Wararka ka imaanaya dalka Nigeria ayaa ku waramaya, in koox hubeysan ay jidka u galeen arday jaamacadeed oo dhiganayay kulliyadda caafimaadka, kuwaasoo kusii jeedey goob lagu waday iney ka dhacdo munaasabad ballaaran.
Weerarka afduubka ah ayaa ka dhacay bariga Nigeria, waxaana ardeyda la afduubtay ay tiradoodu gaareysaa ugu yaraan 20 ruux, intooda ugu badanna waxay dhiganayeen kulliyadda caafimaadka.
Shir sanadeed ka dhacayay magaalada Ineego ee dalka Nigeria ayay kusii socdeen ardeyda jidka loo galay, howlgalka afduubka ayaana ka dhacay meel u dhow magaalo lagu magacaabo Ooto-koobo.
War kasoo baxay jaamacadda ay dhiganayeen ardeyda la afduubtay ayaa lagu sheegay, in xaaladdu ay iminka degantahay, wadahadallana ay kula jiraan kooxda afduubka geystay, kuwaasoo dalbanaya in lacago madax furasho ah la siiyo.
Nigeria ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa kusoo badanayay howlgallada afduubka maaliyad lagu doonayo, waxaana booliiska dalka ay sheegeen in afduubyadaas ay ka dambeeyaan kooxo ka ganacsada basharka, sida ay warka u dhigeen.