Qoraa reer galbeed ah oo lagu magacaabo Stig Jarle Hansen, waxna ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Norway, ayaa maqaal uu qoray wuxuu kaga hadlay, sirta ka dambeysa in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kudhawaad 20 sano ay weli tahay awood jirta, oo ka hortagtay isku dayada lagu doonayay in lagu wiiqo.
Qoraagan oo horey u daabacay buugaag iyo buxuuth ka hadleysa arimaha Jihaadka Afrika, ayaa maqaal uu ku daabacay website-ka The Conversation, wuxuu ku sheegay in asbaabo dhowr ah oo isbiirsaday, ay u suurogeliyeen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iney weli ahaato awood dhisan oo jirta, oo ay iska difaacday isku dayada lagu doonayay in lagu tirtiro.
“ Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, muda kusiman 18 sano ayay ka aas-aasantahay Soomaaliya, sanadkii 2006-dana waxay katirsaneyd maxkamadihii Islaamiga ee maamulayay Muqdisho, tan iyo xilligaasna inkastoo ay wajahday weeraro badan oo khasaare gaarsiiyay, hadana weli waa mid awood badan oo xoog leh sidaba ay ahaan jirtay” ayuu leeyahay qoraagan reer galbeedka ah ee qoray maqaalkan.
Isagoo sii wata qoraalkiisa, wuxuu Stig Jarle Hansen sheegayaa, in sanadkii 2012-ka ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku biirtay shabkadda caalamiga ah ee Al-Qaacida, illaa iyo waqti xaadirkan ayuuna tilmaamay iney Al-Shabaab tahay xarako dhaqan maaliyad ahaan, awoodeeda iyo cududeeda milliterina dhowratay.
Halkaan ka Dhageyso Warbixinta Asbaabaha Sumuudka Xarakada Al-Shabaab-The Conversation