HomeAll newsCiidamada Maamulka Labaxay Somaliland oo Wiil Dhalinyaro ah Ku Dilay Ceerigaabo.

Ciidamada Maamulka Labaxay Somaliland oo Wiil Dhalinyaro ah Ku Dilay Ceerigaabo.

Ciidamo katirsan maamulka la baxay Soomaliland ayaa magaalada Ceerigaabo waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ah.

Wiilka dhalinyarada ah ee ay dileen ciidamada maamulka la baxay Soomaliland ayaa lagu magacaabaa Salmaan Aadan Cabdi.

Ciidamada ayaa sideed saac oo habeennimo waxa ay rasaas oodda uga qaadeen goob ay ku sugnaayeen koox dhalinyaro ah, waxaana iska hor-imaad dhexmaray ciidanka iyo dhalinyarada sidoo kale ku dhaawacmay 2 askari.

Illaa iyo haddana lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka ay ciidamu ugeysteen wiilka dhalinyarada ah.

Mid kamid ah dadka ku nool magaalada Ceerigaabo ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay wax udhaceen.

Halkan ka dhagayso dilka ka dhacay Magaalada Cayrigaabo.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular