Iyadoo todobaadyo xiir ah ay ciidamada Ukraine ka dagaallamayaan gudaha dalka Ruushka, ayay dowladda Ruushka waxay jeedisay digniin culus oo ku socota dowladaha reer galbeedka ee taageeraya Ukraine.
Wasiirka arimaha dibadda Ruushka Sergy Lafrof, ayaa hadal uu jeediyay wuxuu digniin ugu diray dowladaha reer galbeedka oo uu Maraykanka ugu horeeyo, isagoo uga digay in Ukraine ay u ogolaadaan iney beegsato gudaha hoose ee dalka Ruushka.
Wuxuu sheegay in haddii ay taasi dhacdo ka dhigantahay dagaalkii saddexaad ee adduunka oo qarxa, dagaalkaasina aanu noqon doonin mid ku ekaada qaaradda Yurub, sida uu ku goodiyay wasiirka arimaah dibadda Ruushka.
“ Markale, waxaan cadeyneynaa ineysan wax sahlan ahayn in dabka lagu ciyaaro” ayuu yiri Lafrof, mar uu magaalada Moskow ee caasimadda Ruushka kula hadlayay wariyaasha.
Dhowrjeer oo hore ayay madaxda Ruushka oo uu ku jiro Butin, waxay ka digeen in colaadda Ukraine ay horseedo dagaal ka qarxa dunida, haddii reer galbeedku sii ballaariyaan taageerada Ukraine, oo hubka reer galbeedka loo adeegsado weeraro ka dhaca gudaha Ukraine.